Ereyga Maanta: ismaandhaaf
calakud Nooc deerada ka mid ah oo buuraha ku nool.
calal 1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah.
calalayn eeg calalee.
calalee Maro, calal ka dhigid.
calali Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin.
calalin eeg calali. ld calalis (2).
calalis 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. ld calalin.
calaloobid eeg calalow.
calalow Calal noqosho.
calalsad ld calalsasho.
calalsasho eeg calalso. ld calalsad, calalsi, calashad, calashi.
calalsi ld calalsasho.
calalso Cunto gowsaha ku burburin. ld calasho.
calan (1) 1. Cad maro ah oo dowlad, hay'ad, maamul iwm astaan u ah. 2. Midab madow oo ay iduhu qaarka hore ku yeeshaan.
calan (2) Barwaaqo, caafimaad iwm oo ka muuqda xoolaha jirkooda.
calandejin Calan dejinta.
calanhaye Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. ld calanwale.
calannaqsad ld calannaqsasho.
calannaqsasho eeg calannaqso. ld calannaqsad, calannaqsi, calyannaqsasho, calyannaq
calannaqsi Soo celinta iyo calalinta ay xooluhu ku sameeyaan cuntada calooshooda ku jirta. ld calannaqsasho.
calannaqso Calannaqsi sameyn. ld calyannaqso.
calansaar Maalinta dowladi calankeeda qaadato. ld calansaarid.
calansaarid ld calansaar.
calanwale ld calanhaye.
calanwallee 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
calanwalleyn eeg calanwallee.
calaqaad Wax calalin; raamsi.
calaqaadid eeg calaqaad.
calaqad (1) Nin madax ka ah ciyaarta mingiska.
calaqad (2) Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska.
<< < 202 203 204 205 206 207 208 209 210 211 212 > >>