galaas 1. Weel macdan ah oo wax lagu shubto. 2. Fasal.
galaayoox 1. Meel dhaxan badan leh. 2. Dhaxan badan.
galaayuus1 1. Qaylo, dhaadasho. 2. Olol iyo juuc badan oo ay nirguhu sameeyaan markay gaajoodaan. galaayuus2 1. Qaylid, dhaadasho. 2. Nirgo gaajooday olol iyo juuc badan samayn. galaayuusid eeg galaayuus².
galab Gelinka dambe ee maalinta.
galabaysad ld galabaysasho.
galabaysasho eeg galabayso. ld galabaysad, galabaysi.
galabaysi ld galabaysasho.
galabayso Ku g.: galab meel joogid.
galabcarraabid eeg galabcarraw².
galabcarraw1 Socod waqti galab ah la socdo. galabcarraw2 Waqti galab ah socosho. galabdheer Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
galabgaab Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa. ld galab- gaabad.
galabgaabad ld galabgaab.
galabnimo Waqti galab ah.
galabsad ld galabsasho.
galabsasho eeg galabso. ld galabsad, galabsi.
galabsi ld galabsasho.
galabso Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid.
galac1 Waran af ballaaran oo birtiisu wada soofeysantahay. galac2 Cod lagu muujiyo if kedis ah. galaclee Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
galacleyn eeg galaclee.
galaktoos (kiim.) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
galangal Dabayl qabow oo ka soo horreysa roobka; saxansaxo.
galangalcayn eeg galangalcee. ld galcad, galcasho.
galangalcee Xamaarasho.
galangalco 1. Si leexleexasho oo wax xamaaranaya u socod. 2. Dabayl.
page : 23 of 102
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>