Ereyga Maanta: geedqaad
halraacid  eeg halraac².
halrar  Qof ama wax, wax lagu salladay ahaansho.
halrarid  eeg halrar.
haltiirle  Wax sida dhisme iwm oo hal tiir kaliya leh.
haltoddobaaddo  ld haltoddabaadyo.
haltoddobaadyo  Cutubyo xiddigo ah oo midkiiba ka koobanyahay toddoba xiddigood oo la kala yiraahdo haltoddobaadyo weyn iyo haltoddobaadyo yar. ld haltoddobaaddo.
halunugle  ld halunugley.
halunugley  Noole hal unug ka kooban.
halwac  Baaq uu ku dhawaaqo ninka halgamaha ahi marka uu ugaar soo dilo.
halwad  ld halwasho.
halwasho  eeg halwo. ld halwad.
halwi  1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. ld qalwi.
halwin  1. ld halwis. eeg halwi. 2. ld qalwin.
halwis  Miro qolof ka saarid. ld halwin (1).
halwo  Ku h.: Wax, wax ka weyn ku dhex shubmid ama ku dhex dhicid.
halxiraale  Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
halyey  1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
ham  H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
hamaan1  Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. ld haamaan. hamaan2  Mushkilo xallinteeda kari waayid. ld hamaanso (3). hamaanid  eeg hamaan². ld hamaan-sad, hamaansasho, hamaansi.
hamaansad  ld Hamaansasho; hamaa-nid.
hamaansasho  eeg hamaanso. ld Hamaansi; hamaanid.
hamaansi  ld hamaansasho.
hamaanso  1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. ld hamaan².
hamaday  Dhaxan aad u badan oo markay timaado geedaha qalajisa. ld haamadday.
hamag  1. ld amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
hambaabir  Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
hambaabirid  eeg hambaabir.
hambaabuq  Caabuq.
page : 25 of 93
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>