Ereyga Maanta: silqo
magdeysad ld megdeysasho.
magdeysan ld megdeysan.
magdeysasho ld megdeysasho.
magdeysi ld megdeysasho.
magdeysnaan ld megdeysnaan.
magdeysnaansho ld megdeysnaan.
magdeyso ld megdeyso.
magdhabad ld magdhabasho.
magdhabasho eeg magdhabo. ld magdhabad.
magdhabid eeg magdhaw².
magdhabo Qof khasaare uu geystay qiimaheeda ka qaadid.
magdhaw (1) Qiimaha looga qaato qof khasaaraha uu geystay.
magdhaw (2) U m.: qof khasaare uu geystay qiimaheeda bixin.
maggaabi Hoore aad loo cantuugo siin (qof).
maggaabid eeg maggow². ld maggow¹.
maggaabin eeg maggaabi.
maggaabo Cantuugo weyn.
maggaraaso Nooc libaax badeedka ka mid ah.
maggarafoon Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. ld maggaroofan.
maggaroofan ld maggarafoon.
maggeyno Sac ama hal aad u caano badan.
maggow (1) 1. Marka ibaha candhada xoolaha caanuhu ku soo istaagaan. 2. ld maggaabid.
maggow (2) Hoore aad u cantuugid.
maggowsad ld maggowsasho.
maggowsasho eeg maggowso. ld maggowsad, maggowsi.
maggowsi ld maggowsasho.
maggowsii Qof, hoore hal mar afka uga buuxin.
maggowsiin eeg maggowsii.
maggowso Hoore aad u cantuugid (qof).
magguur 1. Xabaal; qabri. 2. Dhis, qof jabay oo dhaqdhaqaaqa loo diidayo lagu fariisiyo ama lagu xiro.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>