Ereyga Maanta: hoolan
karaarin  eeg karaari. ld karaaris.
karaaris  ld karaarin.
karaawil  Afarta nooc ee turubku u kala baxo mid ka mid ah.
karab  Sallax sisib ah, badda gunteeda ah, ciid lahayn oo baroosinku qabanin.
karah  Wax niyadda ka nicid.
karahsad  ld karahsasho.
karahsasho  eeg karahso. ld karah-sad, karahsi.
karahsi  ld karahsasho.
karahso  Wax niyadda ka nicid.
karan1  Martisoor weyn; diyaafad. karan2  1. Baargo'idda awr raraynimo loo jarabbaray yeesho. 2. Xilli roob badani ka da'o waqooyi galbeed oo ku beegan bisha Luulyo. karan3  1. (f.g) Awr rarooy ah baar go'id. 2. (f.mg) Maro, harag iwm wax kar leh noqosho. karan4  Wax kar leh ahaansho (maro, harag iwm). karantiil  ld karantiin.
karantiin1  1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil. karantiin2  (daaw.) Muddada qof ama neef xoolo ah lagu hayo meel duwan si looga hortago fidista cudur la isqaadsiiyo. Waagii hore muddada karantiinku wuxuu ahaa 40 beri, hadda cudurrada kala duwan waxay leeyihiin muddo karantiin oo kala duwan. karar  Xoogga roob u da'o una biya dhigo.
karasho  1. Adkaysi, karti. 2. eeg karo.
karatey  Hab loo dagaallamo oo aan wax hub ah la isticmaalin, oo lugaha, gacmaha iwm la adeegsado.
karawaliin  Dareere kiimika ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
karaytar  (jool.) Dalool wareegsan oo ku yaalla toobinka folkaa-naha dushiisa.
karbaash1  1. Suun dhuuban oo dheer oo dabo la qabto leh, waxna lala dhaco, jeedal. 2. Calallo, jawaano iwm oo la isku tolo oo waxyeellada rarka looga celiyo gaadiidka. karbaash2  Wax jeedal la dhicid. karbaashid  eeg karbaash².
karbuuno  ld kaarbuuno.
kardhasho  eeg kardho².
kardho1  Dhaxan ama xanuun lala gariiro. kardho2  1. Neef irmaan oo ari ah darar awgeed la qaylin. 2. Qof jirro ama dhaxan la gariirid. kareeb  Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. ld kirib.
karfan1  ld kafan¹.
page : 26 of 73
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>