Ereyga Maanta: cirbi
cusballab Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo.
cusbataal ld isbitaal.
cusbayn eeg cusbee.
cusbaysan 1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.
cusbaysnaan eeg cusbaysan. ld cusbaysnaan.
cusbaysnaansho ld cusbaysnaan.
cusbee 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.
cusbo (1) Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix.
cusbo (2) (kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo.
cusbo-beysaysan (kiim.) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka.
cusboon Wax cusub ah ahaansho.
cusboonaan eeg cusboon. ld cusboo- naansho.
cusboonaansho ld cusboonaan.
cusboonayn eeg cusboonee. ld cusboonaysiin.
cusboonaysii ld cusboonee.
cusboonaysiin ld cusboonayn.
cusboonee Wax, wax cusub ka dhigid. ld cusboonaysii.
cusbow Wax cusbadu ku badatay noqosho.
cusbur Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan.
cusburasho eeg cusburo.
cusburo Cusbur marsasho.
cuskad ld cuskasho.
cuskan Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
cuskanaan eeg cuskan. ld cuskanaansho.
cuskanaansho ld cuskanaan.
cuskasho eeg cusko. ld cuskad.
cuski Wax, wax kale ku tiirin.
cuskin eeg cuski.
cusko 1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
cuskug (1) 1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. ld cuskugid.
<< < 270 271 272 273 274 275 276 277 278 279 280 > >>