Ereyga Maanta: tefiir
dahaarnanshold dahaarnaan.
dahabMacdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
dahabeeWax dahab ku dheehid.
dahabeyneeg dahabee.
dahabiD. ah: wax midab dahab leh.
dahaboShimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni.
dahanld dihin.
dahar(dahar, m.dh) 1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo.
dahashold dihasho.
dahideeg dah.
dahnaanld dihnaan.
dahnaanshold dihnaan.
dahold diho.
dahsoomideeg dahsoon¹.
dahsoon1Wax qarsoon noqosho.
dahsoon2Wax qarsoon ahaansho.
dahsoonaaneeg dahsoon². ld dahsoonaansho.
dahsoonaanshold dahsoonaan.
dakaamideeg dakaan². ld dakaamo (2), dakaan¹ (2).
dakaamo1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. ld dakaamid.
dakaan11. D. ah: gammaan ama awr aad u daalay. 2. ld dakaamid.
dakaan2Gammaan ama awr aad u daalid.
dakanaduug1Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid.
dakanaduug2Godob dad u dhexaysay baabbi'in.
dakanaduugideeg dakanaduug². ld dakanaaduug¹.
dakaneld dakano.
dakanoGodob, utun, dhagar. ld dakane.
dakarXubinta taranka ee ragga; gus.
dakayneeg dakee.
dakee1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>