Ereyga Maanta: cawaarso
sar (2) Wax jeexdin yar u yeelid.
saraacimo Libaaxbadeed aad u weyn oo gafuur dheer iyo ilko kuwa miinshaarta u eg leh.
saraad (1) 1. Wax dhici doona oo la sii sheego. 2. Calaamado iyo dhacdooyin tus-meeya wax dhici doona.
saraad (2) 1. Wax dhici doona mala-awaalid. 2. Dhacdooyin tilmaamid.
saraadi Wax dhici doona mala-awaalid.
saraadid eeg saraad².
saraadin eeg saraadi. ld saraadis.
saraadis ld saraadin.
saraakiil eeg sarkaal.
saraar Weylo daaqa oo aan dhibaato mudanayn caanaha hooyada hadday waa-yaan.
saraarogabbalayn saraarogabbalee. ld saraarogabbalays.
saraarogabbalays ld saraarogab-balayn.
saraarogabbale Arar laga hormariyo intaan la guda gelin hadal du-lucdiisa.
saraarogabbalee Hadal dulucdiis intaan la gudagelin arar sheegid.
saraaxad Wax sheegidda si cad oo aan qaris lahayn wax loo sheego.
saraayayn eeg saraayee.
saraayee Cid dhibaato weyn gaarsiin.
saraayo Dhibaato weyn; dareen.
sarab (1) Ulo dhuudhuuban oo wax lagu dhiso.
sarab (2) Ulo yaryar meel ku teedid.
sarac (1) 1. Mudmudidda geed la rabo in dhacaan laga keeno la mudmudo. 2. Beerfal. 3. Saf.
sarac (2) Laabatada hoose oo gumaarka (bisqanlayda) iyo bowdadu iska galaan. ld sarcan¹.
sarac (3) 1. Wax beerid. 2. Geed qoyan si xabag u dhalo mudmudid.
sarajoog (1) 1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. ld sarajoogid.
sarajoog (2) Qof wax taagan noqosho.
sarajoogid eeg sarajoog². ld sarajoog¹ (2).
sarajoogsasho eeg sarajoogso.
sarajoogso Fadhi ka istaagid.
sarakac (1) Ka istaagidda fadhi laga istaago. ld sarakicid.
sarakac (2) Fadhi ka istaagid.
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>