Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
aamminnimo  aammin ahaansho.
aamminsan  1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.
aamminsanaan  eeg aamminsan. ld aamminsanaansho.
aamminsanaansho  eeg aamminsanow; ld aamminsanaan.
aamminsanow  1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.
aamminsii  Qof in uu wax aammino ka oggoleysiin.
aamminsiin  eeg aamminsii.
aammus1  1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. ld aammusid. aammus2  1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho. aammusan  Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).
aammusdaran  Wax aan aammusaynin (cid).
aammusdarnaan  eeg aammusdaran. ld aammusdarnaansho.
aammusdarnaansho  ld aammusdarnaan.
aammusi  Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.
aammusid  eeg aammus². ld aammus¹ (3).
aammusin  eeg aammusi. ld aammusis.
aammusis  ld aammusin.
aammusnaan  eeg aammusan. ld aammusnaansho.
aammusnaansho  ld aammusnaan.
aan1  1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu. aan2  Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan imaanini waa Cali”. ld an. aanayn  eeg aanee.
aanaysad  ld aanaysasho.
aanaysasho  eeg aanayso. ld aanaysad, aanaysi.
aanaysi  1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld aanaysasho.
aanayso  1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
aanee  1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka”.
aannu  Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.
aano  Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
aar1  1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
page : 5 of 1584
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>