Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: macaahado
jurxeyn eeg jurxee.
jurxo Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
jus (1) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
jus (2) War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.
jusbax (1) Xaflad la sameeyo marka la dhammeeyo barashada hal jus.
jusbax (2) Arday jus dhammeeyey xaflad u samayn.
jusbixid eeg jusbax².
juscambuuleed ld juscambuulo.
juscambuulo Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. ld juscambuuleed.
jusur Kuul yaryar, madmadow oo barbaarku qoorta ku xirto si uu ugu xarragoodo.
jusuur Guri weyn oo dhagax ka samaysan oo ab-ka-ab layska soo dhaxlay.
juu ld tuu.
juube Nooc warmaha waaweyn ka mid ah.
juuc 1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. ld juucjuuc.
juucjuuc ld juuc.
juucjuucsan Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
juucjuucsanaan eeg juucjuucsan. ld juucjuucsanaansho.
juucjuucsanaansho ld juucjuuc-sanaan.
juuco Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
juudaan (1) Cudur halis ah oo dadka oogadiisa googooya.
juudaan (2) (daaw.) Cudur muddo dheer oo uu keeno “mycobacterium leprae”. Wuxuu wax yeelleeyaa maqaarka, dareemayasha iyo xuubka gudaha ka mara xubnaha daloola (mucous membrane). Waxaa laga helaa dalalka cimilada kulul, si toos ah ayaa la isaga qaada.
juul (xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
juuni ld jawaan.
juunyo Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.
juuq (1) 1. Hadal yar oo kooban. 2. J. ha dhihin: ha hadlin.
juuq (2) Hadal yar oo kooban ku tiraabid.
juuqi Neef xoolo ah sabaalin.
juuqid eeg juuq².
juuqin eeg juuqi. ld juuqis.
juuqis ld juuqin.
<< < 47 48 49 50 51 52 53 > >>

 

Exit mobile version