juul
(m.l) (-lal, m.l)

(xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh juul

kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.

waat [m.l] (-tyo, m.dh)
(fiis.) Summad W. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee awoodda, waxana loo qeexaa awood le'eg hal juul halkii seken (Juul/seken).

eerg [m.l] (-gag, m.l)
(fiis.) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.

kulqaad [m.l]
(fiis.) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).

kulqaad-gaar [m.l]
(fiis.) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.

luuliyo [m.dh]
Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.

tamar [m.dh]
(fiis.) Summad: E. Astaanta qabashada hawl. T.ta waxay leedahay dhawr qaab, waxana lagu cabbiraa juul (J) (eeg t. keyd iyo t. socod). ld tabar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg