Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dharabsad
sabab (1) Wax dhacay waxa keenay.
sabab (2) Wax dhaciddooda mas'uul ka noqosho.
sababid eeg sabab².
sabad Agagaarka guriga, xerada iwm.
sabansabdho 1. Geed weyn, xoog badan oo wax lagu dhiso. 2. Wax yar oo nafley lagu sasabo sandareerto.
sabar (1) 1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹.
sabar (2) 1. Wax u dulqaadasho. 2. Ka s.: wax ka quusasho. ld sabbur², samar², samir².
sabarad Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.
sabarsii ld samirsii.
sabarsiin ld samirsiin.
sabarsiis ld samirsiin.
sabasho eeg sabo².
sabatabbax (1) ld samatabbax¹.
sabatabbax (2) ld samatabbax².
sabatabbixi ld samatabbixi.
sabatabbixid ld samatabbixid.
sabatabbixin ld samatabbixin.
sabbaad Kasoobax halis ah.
sabbaar (1) Hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo.
sabbaar (2) Cid ixsaan laga sugaayo hadiyad siin.
sabbaarid eeg sabbaar².
sabbaax 1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.
sabbaaxad S. ah: naag araggeeda laga naxo oo la karahsado.
sabbac ld sambac.
sabbakh (1) Asal dharka lagu midabeeyo.
sabbakh (2) Dhar midab u yeelid.
sabbakhan Dhar wax midab loo yeelay ahaansho.
sabbakhid eeg sabbakh².
sabbakhnaan eeg sabbakhan. ld sab-bakhnaansho.
sabbakhnaansho ld sabbakhnaan.
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>

 

Exit mobile version