AFKA HOOYO, HANAD LA HAGRADAY!

AFKA HOOYO, HANAD LA HARGADAY!

Walow Gumaystuhu na kala dhantaalay, qolo walbana uu qool gaar ah ku xiray, walow aan ku heshiin waynay deegaankii balaarnaa ee barwaaqada iyo baraaruhu ka buuxeen oo aan iska cayrsanay iskuna dagaalnay , Walow aan Wada dhalashadii iyo dhiig wadaagii aan ku badalanay Gawrac iyo isdhibaatayn , Walow Wado walba oo Tilmaan iyo tusaale u ahayd wada dhalashada ,dhaqan-wadaagga, diin wadaagga,iyo taariikh wadaagaba aaan soo xirxirnay amase ay ku dhawadahay in ay soo afjaranto.

Hadana Waxa maanta lagu faani karo ee naga dhigaya qowmiyad wali isku xiran oo isku hooyo ah waaa “AFKA Hooyo “”Af-soomaali” .
Wiilka ku dhashay Gurada oodweyne iyo Gabadha ku ababatay Daanta Wajeer iyo Gaarissa ,kasokow in ay laba cirif kala joogaan hadana Waxa kali ah ee jawi isfahan iyo haasaawe u sahlay waa Afkeena hooyo , ha jiraan Maan-dhaaf yar oo ku salaysan lahjadaha gobolada hadana waa dad isfahmaya oo aan la tashuushi karin walaaltinimadooda, marka ugu horaysa ee ay kulmaanna aad moodayso laba qof oo kasoo wada toosay hal guri , uuna wax usoo dhigay hal macalin

Marka aan ka soo gudbo Muhiimada iyo Walaaltinimaynta afka hooyo ,iyo waxtarka uu noogu fadhiyo afkeenu , hadana waxa muuqata in afkeenu uu noqday kaliya af aan ku wada hadalno , kaliya aan isticmaalno inta candhuufta afkeena ku jirta ay naga dhamaanayso ama afkeenu daalayo ,carabkeenuna ka qalalayo , Waan ku murannaa oo aan isku caynaa , Waxa uu noqday afkeenii af aan lahayn marjac iyo hiddo la sii raaco , af u sahlan dhumida iyo dhantaalka erayada, af aan lahayn qaamuus cid qadarin u muujisa , af aan lahayn cid usoo jeeda , af aan lahayn dawlad ama dad sidii uu mudnaa u daryeela.

Aniga oo Ka niyad jabasan Rafaadka iyo aradka ka muuqada afkeena hooyo , hadana waxa aan dareemay in dhiilo iyo eedayn aysan waxba soo kordhinaynayn balse aan bal wax uun ka tilmaamo sidii aan u daba-qaban lahayn afkeena una noolayn lahayn ,aniga oo kusoo beegaya maalintan loo asteeyey Maalinta Afka hooyo (21da febraayo ) waxa aan jeclaysatay in aan dhawr qodob kusoo koobo jawaabta suaasha ah

MAXAAN UGU HIILIIN KARAA AFKAYGA HOOYO ??

1-Noolaynta Wax ku qoridiisa -: Waxaa waajib nagu ah in aan marka ugu horaysa isku xilqaano masuuliyada ah in aan wax ku qorno afkeena hooyo , in aan dadkeena ku wacyi galino dhigaalka afsoomaaliga , in aan mar walba iyo waqti walba isku dhiiri galino in dadkeenu ay akhriyaan bartaanna xirfada akhriska , kuna wada xiriiraan fariimaha ama maaseejyada iyaga oo isticmaalaya afsoomaaliga .

Waxaa haboon in dawladaha ku hadla afka soomaaliga sida soomaaliya iyo jabuuti iyo gobolada Ku hoosnool Ethiopia iyo kenya , in wasaaradaha qaabilsan Hidaha iyo dhaqanka iyo waxbarashadaba ay sameeyaan istaraatiijiyad dhiirigalin iyo gacansiin xoogleh ku samaynaysa in ardayda wax lagu baro afka soomaaliga , lana baro dhigaalka afka soomaaliga..
2-Akhriska Buugaagta ,Suugaanta , Qoraalada , Maqaallada ku qoran afka soomaaliga :- waxa ay kusiinaysaaa khibrad iyo inaad taariikh dhumuc leh u yeelato afkaaga hooyo , akhriska Suugaanta, buugaagta taariikhda , buugaagta siyaasadeed ee ku qoran afkeena , waxa ay kordhinaysaa garaadkaaaga aqooneed adiga oo ku hagar baxaya afkaaga hooyo , waxa aad noqonaysaa qof aqoon dhamaystiran u leh Asalka iyo halka aad ka soo jeedo ..
3-Hal-abuurida Suugaan, murti iyo xikmado cusub :- hal abuurida Suugaan, xikmado iyo murti iyo maahmaah waxa ay suugo u tahay afka soomaaliga waxa ayna macaysaa ama dhadhan u yeeshaa akhriska afkeena hooyo , waxa ay noolaysaa afka ,sidoo kale waxa ay afkeena kaga dhigantahay Rinjiyaynta ama cusboonaysiinta guri duugoobay . Waxaan haboonayn in afkeena aan ka xishoono halabuuridda eray muceedka oo aan ka dhigno wax ay la dhinteen dadkeenii hore, oo uusan jirin qof dhalinyaro ah oo buuxin kara booskoodii, Hadii aan aaminno fikradaas khaldan taasi waxa ay ka dhigantahay in afkeenu ka dhintay dhinaca hal-abuurka dhaxal mooyee …
4-Tarujumida Afafka kale : inkastoo afkeenu u kamilan yahay haykalka guud ee ku hadalka iyo adeegsigiisa , hadana afkeenu waxa uu baahi balaaran u qabaa isdhexgal iyo in uu xiriir la yeesho afafka kale , waxa uu baahi u qabaa in aan tarjumaad u samayno , waxa uu baahi u qabaa in aan maqaallada , buugaagta iyo sidoo kale wax walba oo intifaac leh ee lagu qoray afafka kale aan usoo minguurino afkeena , si ay uga faa’iidaystaan dadkeenu afkeenuna u hodmo…
5-Qorida Buugaag ama maqaalo cilmiyeed :-Waxaan la iska qarin karin in afafka caalamku ay horumar samaynayaan oo ay aad u balaaranayaan iyaga oo la jaanqaadaya Geedi-socodka teknoolajiyada iyo horumarka caalamka ka jira, Waxaase ayaan daro in afkeena aan oran karo haba yaraatee waxa uu ka aradanyahay eraybixinta tiknoolajiyada, iyo cilmiyada cusub ee caalamka, .. Waxaa ayaan darro kale ah in afkeenu baahi aad u wayn u qabo in loo asteeyo buugaag cilmiyeed ku qoran afsoomaali , taasi oo sahli doonta in ay intifaacsadaan dadka ku hadla afka soomaaliga ., Tusaale ahaan waxaa waajib inagu ah in aan Bar-kaydka bulshada sida wikipedia, iyo meelaha kale in aan ku qorno wax walba oo faa’iido u leh afkeena iyo inta ku hadasha, Waxaan inta badan aragnaa in wikipedia ay ka buuxaan qabiilo , taariikho mugdi ah , iyo sidoo kale magaalooyinka uun , balse ay yartahay inaad ka hesho Wax cilmiyaysan sida Saynis iyo cilmiyada technolojiyada oo ku qoran afsoomaali ..
6-Dhiirigalin , abaalgud, iyo bogaadin loo sameeyo Qalinmaallada soomaaliyeed.

Waxaan la inkiri karin in dhiirigalinta ,abaalgudka iyo bogadintuba ay yihiin shiidaal ama baasiinka dhaqaajin kara inta Qalinka u qaadata qorida Samaha iyo wanaaaga, iyo soo noolaynta afka soomaaliga.. Waxaa haboon in cid walba oo taageero dhaqaale iyo dhiirigalinba awoodda in ay ku kaalmayso qofka u shaqaynaya afka hooyo , qofka qalinmaalka ah ee wax kuqora afka hooyo , qofka buugaagta u tarjuma ,qofka sheekooyinka ku qora iwm..

Qalinmaalku waa qof u adeegaya Danta guud , waa qof noolaynaya afkaaga , sidaa darteed dhiirigalinta iyo bogaadinta aad siiso qofkaasi waxa ay ka dhigantahay niyad wanaag iyo in uu ku dhiirado Horumarinta xirfadiisa ama kobcinta iyo kordhinta hawsha uu hayo ee Qalinmaal ..
Waa in dawladu iyo ururada afka soomaaligu maamuuus iyo bilad sharaf u sameeyaan qof walba oo qora buug waxtar leh oo anfacaya , waa in ururadaasi ka caawiyaan qofkaasi baahinta iyo suuqgaynta buugta uu qoro , si isaguna uga faa;iido bulshaduna uga faa’iido , afkeenuna u helo tayo iyo tabar usoo kororta.

Gunta GebaGebada waxa aan kusoo afmeerayaa qoraalkan dheer ” Afkan waan wada leenahay , Waa hooyo nawada dhashay , waa waxa naga ilaaliyey in aan dhagool noqono , waa wax dan guud ah , yaan la hilmaamin afkeena, aan ku faano , oo aan noqono dad akhriya wixii ku qoran , hal-abuura, sidoo kalana qora wax walba oo aad is oran karto faa’iido ayay u leedahay noolaynta afkeena ”

W/Q -QalinMaal QaasiM Abdisalaam Yusuf (Samakaab) .

Leave a Reply