Kuli A B C D E F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y
Kudar! Ku dar erey cusub qaamuuska. halkan!

Erayada ay isticmalaan dhalinyarada ee ku soo biiray Afka Soomaaliga.

Erayada Cusub –————————— Macnaha ay ula jeedaan

1. Igu lambari–—————————-I bar qof kale.
2. Waa Baska dambe –——————Waan iska dayay.
3. Waan ka lushaa ———————–Waan jecelahay.
4. Cid kale, ay u raran tahay –——-Qof kale ayey sheeko la wadaagtaa.
5. Gaarigeyga ma’ahan –————–Noocan kama helo
6. Igu soo tuur—————————-Warka isii
7. Wuu ku yaacay–———————-Waxbuu ka xaday, wuu qaatay.
8. Waa, igu jiq –—————————Lacag ma haysto ama Taleefoonkeyga gacanta waa lacag la’aan
9. Ii daadi–——————————– lacag isii, warka isii.
10. Waan tufay—————————-Qofkaas, waa nacay
11. Waan ku haystaa–——————-Waan daneynayaa
12. Luuq buu ku jiraa–—————–Qofkaas guriga kama soo baxo/wuu guursaday
13. Caawadii waaye–——————–Aynu kulano caawa
14 Wuu dhalaalayaa–——————-Lacag ayuu haystaa
15. Banaan kaan jogaa————— –Waan iska dhaafay wixii hore
16. Way is tuurtay–———————-Wey guursatay
17. iigooy————————————Idhaaf
18. Lugbuu aastay-–———————Wuu guursatay
19. Tacsibaa u taallo–——————-Waa lala guursaday
20. Ha igu shidin————————-Ha sheegin wixii aan sameyay
21. Hawuu soo doontay—————-Dibaduu ka yimid
22. Badu galay—————————-Bal-wad ayuu yeeshay
23. Wuu ka wataa————————Qof qurux badan, ayuu la socdaa
24. Magaalku, kuu jiraa—————Wuu dhaqan doorsoomay
25. Jeebkiisaa qoslaya–—————Waa Oday lacag haysto
26. Qofkaas xuux weeye—————Wuu dabeecada xun yahay ama Wuu fool xun yahay
27. Wuu baxsan yahay—————–Sheekadda lama uu socdo
28. Timuhuu deystay——————Wuu Waashay
29. Cirkuu galay————————-Wuu dhoofay
30. Wuu is yareynayaa—————-Odaygaan Gabdhuhuu Shukaansadaa ama Labisku jecel yahay
31. Wuu da’ayaa————————–Lacagtaa ku badan
32. Gooy———————————–Tag
33. Ehlu Beydka Waaye————–Qaraabada Weeye
34. Ducadii ma timid—————–Bilkii ma yimid
35. Nafteey dhigeen——————-Wey tahriibeen
36. Waad kacsan tahay—————Labis qurux badan ayaad wadataa
37. Jiiq aa looga dhigay————–Waa loo diiday
38. Madaxaa laga xiray—————Waa la guuriyay
39. Idhig———————————-Idaa
40. Dhiigbuu kaga keenay———-Aad buu u isticmaalay/u fiirsaday/u xirtay
41. Nalbuu ku shiday—————–Sirtiisi buu sheegay
42. Wuu ku qarxiyay—————–Wuu ku cadeeyay
43. Indhuhuu u shitay—————Wuu u hanjabay, u booteeyay
44. Aboor ayuu noqday————–Tuuganimuu bilaabay
45. Falaaraha iga daa——————Kaftanka iga daa
46. Maskaxduu furtay—————-Maandooriyuu soo isticmaalay
47. Isoo gali——————————Isoo wac
48. Qofkaas waa la isbaray———-Waa laga adkaaday
49. Jilbuhuu aastay——————-Caruurbuu dhalay, waa Aabo ama Hooyo
50. Waa loo raran yahay————-Urbaa loo leeyahay
51. Macsaraduu kabadaa————-Qamrigguu cabaa
52. Waa lala soo dersay—————Jaceyl baa ku dhacay
53. Dhiiqaduu cabay——————Wuu ceeboobay
54. Nal baad, iska soo dhigtay——Waad isi soo cadeysay
55. Afkuu furtay————————Wuu caaytamay
56. Waan ku haystaa——————Waan rabaa, waan taageeraa
57. Boor, ayey isku kicisay———-Wey is kashiftay
58. Baladkuu, ka baxay—————Lacag la’aan, ayaa ku dhacday
59. Wey shidan tahay—————–Wey qurux badan tahay
60. Biyaha dahabka iga daa–——-Beenta iga dhaaf.

Leave a Reply