DHAQANKII AFKA HOOYO

Waa sallaamantihiin dhammaan aqyaarta u Heelan Afka Hooyo. Runtii waxaa dhacay wax-yaalo baddan oo inoo geystay dhaawac aan la qisaaysi karin-taasi oo ah in aynu Afkeenii Hooyo ee Hoddonka ahaaa dhaga dhaqaaqno meel cidlo ah, ooaysan jirrin cid u miciini kartaa!!
Sida aan wadda ognahay waxaa beryahaan dambe soo battay dhalinta iyagu iska yeel-yeella in ay ku taaganyihiin dariiqa saxda ah ee ilbaxnimada loo marro,iyagoo Ilbaxnimada u haysta in ay tahay Afka Hooyo oo meel la iska dhigo dabbadeedna la qaato Afaf-qalaad oo aynaan Ab iyo Isir-toona u lahayn!!.

Taasina sida cad waxay saammaysay hoos u dhac ku yimmaada Afkeenii Hooyo ee Hoddonka ahaa isla markaasina aynu ka dhaxalney Awoow ka Awoow,Qarni ka Qarni. Haddii aad indha-indhayso meelo baddan oo ka mid ah waddamadan qurbaha ah ee aynu dhammaanteen laajiyiinta ku nahay, waxaa isla markiiba kuu soo baxaya dhaqan xummada ku habsatay dadkeenii ilaa marka laga reebo xooggay yar oo illaah naxarriistiisa ugu deeqay maahee!, intii kale oo dhan waxay raaceed daad aan la garan karin meeshi uu ka yimid ilaa halka uu u socdo-toonna.
Su’aal macquul ah loo u baahan in lays wey-diiyo ayaa waxay tahay; Yaa Mas’uul ka ah dhaqan Gedoonkan inagu dhacay haddii aan nahay Bulsho weynta Soomaaliyeed?…
Su’aashaas iyo kuwo badan oo la mid ah markii aynu si fiican uga jawaabno, waxaan heli karraa barta ay dhibbaatadan ka soo ifbaxday iyo siddii lagu xallin lahaaba.

Bal aan inoo soo qabto Gabbaygii ka hadlayey wannaagga iyo asnshaxa Afka Hooyo. Gabbayga waxaa alifey Maxamed Ibraahim Hadraawi…
Ku soo dhawoow waatane oo wax ku qaaddo fadlan.

………. AFKA HOOYO …….

Dhalashada afkaygiyo
dhigashada fartaydaan
kaga baxay dhibaatoo
hawlihii ku dhaafee
iyadaan dhaqaalaha
dhidibada u aastoo
dheeliga u diidaye
dhulka wada jirkiisii
iyadaa dhamaysee

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHAQDAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA

Shalay dhabanahayskii
dhoolla ka qosol maanta ah
xalay baw dhexaysee
dadka dhooban meeshaa
laysku soo dhowaadee
Dhanka qudha u jeedow
MA HESHEEN DHABAALKII
hadalkii ma dhuuxdeen
ma idiin dhadhamayaa

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHAQDAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA

Qofka dhoohanow arag
KII DHEGA la’ow maqal
Haddaan dheri laguu shidin
dhuunigu ma kariyoo
waxba lagama dheefee
dheehoo danteennnii
Halka Dhaawac kaga yaal
lafta dhabarka weeyee
BOOGAHA MA DHAYNAA?

WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHAQDAA ,AFKAYGA
WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA


WAA INAAN KU DHAATAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHISTAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHAQDAA ,AFKAYGA
WAA INAAN KU DHERGAA, AFKAYGA
WAA INAAN KU DHINTAA, AFKAYGA.

Daddoow yaan Dhugashada Afkeeniyo Dhaqankii Hiddaheena Dhulka looga dhaqaaqin.
Halkaas haynoo joogto Caawa iyo Maanta.

©Maxammed Ibraahim Hadraawi

Leave a Reply