Far Soomaali – Taariikhda far Soomaaliga oo kooban

afsoomaaliAf soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka dib, guddigu wuu talo gafay. Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga. 18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan. Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan Shire Jaamac Axmed i taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag, biirayaal bille ah sida “Iftiinka Aqoonta” iyada ay jireen tartan balaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba. Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale.

Leave a Reply