soomaali
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Luqadda soomaalida u gaarka ah.

soomaali
(m.dh)

Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga.

Keyboard Maxaa lagu dhahaa Af Soomaali?*

keyboard


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Soomaaliya*

Soomaaliya, si rasmi ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa waddan ku yaal Geeska Afrika. Dalku waxa uu xad la wadaagaa Itoobiya galbeed, Jabuuti waqooyi-galbeed, gacanka cadmeed waqooyi, badweynta Hindiya oo bari ah, iyo Kenya oo ka xigta koonfur-galbeed. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer badweynta Afrika waana halka ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Aaladqoro

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soomaali

a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

o [m.dh]
(o') Xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.

s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane. ma'

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.

w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg