hab1 1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid. hab2 (nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan. hab3 Habsiin. hab4 1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn. hab-farsamadeed 1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
hab-kulxidh (fiis.) Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
habaab H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).
habaabi Qof marinka toosan ka weecin.
habaabid eeg habow². ld habow¹.
habaabin eeg habaabi. ld habaabis.
habaabis ld habaabin.
habaar1 Dhibaato cid Eebbe looga baryo. habaar2 Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid. habaaran1 Wax habaar ku dhacay ahaansho. habaaran2 Wax habaar ku dhacay noqosho. habaarid eeg habaar².
habaarmid eeg habaaran¹.
habaarnaan eeg habaaran². ld habaarnaansho.
habaarnaansho ld habaarnaan.
habaarqabe 1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
habaarramid eeg habaarran.
habaarran (dii.) In Eebbe cid waxyeello gaarsiiyo baryid.
habaartamid eeg habaartan.
habaartan Is habaarramid (laba qof).
habaas 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
habaasi 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
habaasin eeg habaasi.
habac1 1. Daal iyo kala daadsanaan wax ku yimaad. 2. Dhereg. 3. Biyo ceel ama weel ku raagey. habac2 1. Daal iyo kala daadsanaan la kulmid. 2. Wax ka dhergid. 3. Weel biyo sii deyn. habacsan Wax habac ku dhacay ahaansho.
page : 5 of 93
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>