caar1 Xubinta taranka ee ratiga. caarad1 1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa. caarad2 Af fiiqan oo wax mudi kara. caarad-dhuub 1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
caari1 Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid. caari2 Biyaha badda, berriga dib uga noqosho. caarid1 ld caar¹. caarid2 (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan. caarif Nin aqoon dheerad ah leh.
caarin ld caaryid.
caariyeysad ld caariyeysasho.
caariyeysasho eeg caariyeyso. ld caariyeysad, caariyeysi.
caariyeysi ld caariyeysasho.
caariyeyso Wax caariyo ahaan u qaadasho.
caariyo Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
caaro 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
caaroo ld caarow.
caaroobid eeg caarow. ld caarood.
caarood1 ld caaroobid. caarood2 (daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa. caarooti1 1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid. caarooti2 Biyo meel ku faafid. caarootiyid eeg caarooti². ld caarooti¹ (3).
caarow Caaro dareemid (dad ama xoolo). ld caaroo.
caarran Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
caarranaan eeg carran. ld caarranaansho.
caarranaansho ld caarranaan.
caarsii Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
caarsiin eeg caarsii.
caaryaysad ld caaryaysasho.
page : 8 of 95
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>