jaahilbixi Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixin eeg jaahilbixi.
jaahiliyad 1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo Jaahil ahaansho.
jaahwareer1 1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareer2 Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jaahwareeri Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri.
jaahwareerid eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid.
jaahwareerin eeg jaahwareeri. ld jahawareerin.
jaahwareersan Wax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan.
jaahwareersanaan eeg jaahwareersan. ld jaahwareersanaansho jaha-wareersanaan.
jaahwareersanaansho ld jaahwareersanaan.
jaajaale Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaalee Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajaaleyn eeg jaajaaleyn.
jaajuur Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
jaajuus1 ld jaasuus¹. jaajuus2 ld jaasuus². jaajuusid ld jaasuusid.
jaajuusnimo ld jaasuusnimo.
jaakad Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
jaal 1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
jaalabbuud Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
jaalabutee Jaalabuto samayn.
jaalabuteyn eeg jaalabutee.
jaalabuto 1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaalle 1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.
jaallenimo Jaalle ahaansho.
jaalnimo Jaal ahaansho.
jaamac 1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
page : 2 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>