taabbaggud2 Wax meel marid. taabbaggudi Wax meel marin.
taabbaggudid eeg taabbaggud². ld taabbaggud¹.
taabbaggudin eeg taabbaggudi.
taabbaqaad 1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.
taabbaqaadid eeg taabbaqaad.
taabicid eeg taabac². ld taabac¹.
taabid eeg taab². ld taab¹ (4).
taabo 1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.
taabsii Gacan aayar wax u saarid.
taabsiin eeg taabsii. ld taabsiis.
taabsiis ld taabsiin.
taabuul (muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
taacug Geed yar oo ubax qurux badan leh.
taada1 Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”. taada2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay warqaddan”. ld taa³. taadhisaar1 Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya. taadhisaar2 Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid. taadhisaarid eeg taadhisaar².
taag 1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
taag1 1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro. taag2 1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho. taag-dhuleed (juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
taagan 1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho.
taagdaran Qof tabar yar ahaansho.
taagdarnaan eeg taagdaran. ld taagdarnaansho, taagdarni, taagdarno.
taagdarnaansho ld taagdarnaan.
taagdarni ld taagdarnaan.
taagdarno ld taagdarnaan.
taagdarree Tabar yarayn (cid).
page : 2 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>