xagli U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.
xaglin eeg xagli.
xaglis1 ld xaglisid. xaglis2 Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo). xaglisid eeg xaglis². ld xaglis¹.
xaglo-isqummiye (xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xagal qumman ama P/2 gacansin.
xaglo-istoosiya (xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xarriq toosan (180° ama P gacansin).
xaglo-talantaali (xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.
xagmaal Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).
xagmaalid eeg xagmaal.
xagmar 1. Xagmaalid. 2. Qayb candhada xoolaha mayrax ku marid.
xagmarid eeg xagmar.
xagmid eeg xagan¹.
xagnaan eeg xagan². ld xagnaansho.
xagnaansho ld xagnaan.
xago 1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.
xagurrin Geel intiisa rimi karta ay hal xilli wada rintay oo aan midi ka baaqsan.
xagxag1 1. Nabarro yaryar oo aan qotodheereyn oo ku yaal wax dushooda sare. 2. Cunto la kariyay inta weelka dhinacyadiisa ku dhegta. xagxag2 Nabarro yaryar oo aan qoto dheereyn wax dushooda sare gaarsiin. xagxagasho eeg xagxago.
xagxagid eeg xagxag².
xagxago 1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.
xaj (dii.) Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xad¹.
xaji1 Xaj gudasho. xaji2 Wax xoog u qabasho. xajiimee Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.
xajiimeyn eeg xajiimee.
xajiimeysan Wax xajiin la mariyey ahaansho.
xajiimeysnaan eeg xajiimeysan. ld xajii-meysnaansho.
xajiimeysnaansho ld xajiimeysnaan.
page : 12 of 60
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>