takhantakhood eeg takhantakhoo. ld tukhuntukhood.
takhasus1 ld takhasusid. takhasus2 Ku t.: maaddo ama farsamo si gaar ah u barasho. takhasusid eeg takhasus². ld takhasus¹.
takhid eeg takh². ld takh¹.
takhsiir1 Ganaax, ciqaab. takhsiir2 Qof gef sameeyey hanti ciqaab ahaan uga qaadid; ganaaxid. takhsiirid eeg takhsiir².
takhtad Alwaax sida santuuqa u samaysan oo alaabta la dhoo-finayo lagu rido.
takhtar1 Qof aqoon u leh cilmiga daaweynta. ld dhakh-tar. takhtar2 Cid daawayn. takhtaran Daawaysan.
takhtarnaan eeg takhtaran. ld takhtarnaansho.
takhtarnaansho ld takhtarnaan.
takhtarnimo Takhtar ahaansho. ld dhakhtarnimo.
takhti T. ah: shay aan wax kale ku labnayn; saafi.
taki ld kati.
takoor1 1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan. 3. vr. takoorid. takoor2 (bul.) Hab lagu kala kaxeeyo dad kala jinsi, diin, midab, iwm. takoor3 Qof dad kale ka soocid jirro ama sabab kale awgeed. takooran Qof la takooray ahaansho.
takoore (xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.
takoorid eeg takoor³. ld takoor¹ (3).
takoorin Lafta misigta madaxeeda.
takoornaan eeg takooran. ld takoornaansho.
takoornaansho ld takoornaan.
taksi ld tagsi (1).
tal 1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.
talaado Todobaadka maalin ka mid ah oo u dhaxaysa isniinta iyo arbacada. ld salaasa.
talaammiin Dadka inta aan birta tumin.
page : 15 of 60
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>