Ereyga Maanta: dhiifoonaan
caadyaalnimo Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
caafi Cid caafimaad siin (Eebbe).
caafimaad (1) Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad (2) Cudur, jirro iwm ka bogsasho.
caafimaad-beeleed (daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadid eeg caafimaad².
caafimaadin eeg caafimaadi.
caafimaadqab (1) Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid.
caafimaadqab (2) Xaalad cafimaad ku sugnaan.
caafimaadqabid eeg caafimaadqab². ld caafimaadqab¹.
caafimaadsan Wax caafimaad leh ahaansho.
caafimaadsanaan eeg caafimaadsan. ld caafimaadsanaansho.
caafimaadsanaansho ld caafimaad-sanaan.
caafin eeg caafi. ld caafis.
caafis ld caafin.
caafiyad Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo.
caafiyo ld caafiyad.
caag (1) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag (2) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
caag (3) Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id.
caaggan 1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
caagganaan eeg caaggan. ld caagga-naansho.
caagganaansho ld caagganaan.
caagid eeg caag³.
caaji Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
caajin eeg caaji.
caajis (1) 1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹.
caajis (2) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis².
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>