qaaddanaan eeg qaaddan. ld qaaddanaansho.
qaaddanaansho ld qaaddanaan.
qaaddi ld qaalli.
qaaddicid eeg qaaddac.
qaaddiro Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
qaaddo 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
qaadid eeg qaad². ld qaad¹ (4), qaadis.
qaadis ld qaadid.
qaado 1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
qaadqaad1 Tuug aan weynayn. qaadqaad2 Ku q.: cid nabarro si degdeg ah oo aan kala go' lahayn ugu dhufasho. qaadqaadid eeg qaadqaad.
qaadqamax Qof qaadka aad u cuna.
qaadsii 1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
qaadsiin eeg qaadsii. ld qaadsiis.
qaadsiis ld qaadsiin.
qaadwale Qof ka ganacsada qaadka.
qaaf Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.
qaafee ld qaafi.
qaafeyn ld qaafin.
qaafi 1. Is macnayn. 2. Qof aan dhegeysanin iska yeelid. ld qaafee.
qaafil 1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.
qaafilo Awr badan oo safar ah.
qaafiri Baaquli.
qaafiyad ld qaafiyo.
qaafiyo Xarafka ay ku socoto maansada. ld qaafiyad.
qaafo 1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.
qaajabbeel1 Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹. qaajabbeel2 Xoogxaraash ahaansho. ld gaajabbeel². qaajabbeelid ld gaajabbeelid.
page : 3 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>