Ereyga Maanta: hirqad
aabyood  eeg aabyoo.
aad1  Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). "Ninka aad la hadashay waa walaalkay". ld aa(2), aydin. aad2  1. Isku ?a. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. ld aadid. aad3  1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: ld aayar. aad4  1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”. aadaab  1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
aadaamid  eeg aadaan². ld aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
aadaan1  1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaan2  1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aadami  1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi.
aadaminnimo1  Aadami ahaansho. ld aadminnimo. aadaminnimo2  1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore). aadane  eeg aadami.
aaddamid  eeg aadaamid.
aaddan1  eeg aadaan¹. aaddan2  eeg aadaan². aaddan3  1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho. aaddanaan  eeg aaddan³. ld aaddanaansho.
aaddanaansho  eeg aaddanaan.
aaddi  1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid.
aaddin  eeg aaddi. ld aadin, aadsiin.
aadeer  eeg adeeryo.
aadi  ld aaddi.
aadid  eeg aad³, ld aad¹.
aadimo  1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.
aadin  eeg aaddin
aadiraac  Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
aadmi  eeg aadami.
aadminnimo  eeg aadaminnimo¹.
aadsii  eeg aaddin.
page : 2 of 1584
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>