Ereyga Maanta: teershari
aadsiineeg aaddin.
aadyareeg aayar.
aafMeel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
aafayneeg aafee. ld aafeyn.
aafeeCid aafo gaarsiin.
aafeysanWax aafo haleeshay ahaansho.
aafeysnaaneeg aafeysan. ld aafeysnaansho.
aafeysnaanshoeeg aafeysnaan.
aafoDhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
aafoobideeg aafow.
aafowWax aafeysan noqosho (nafley badan).
aagDhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka laga qoro”.
aagaan1Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.
aagaan2Haan yar oo biyaha ama caanaha lagu shubto.
aagga-qabow(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
aahCod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah².
aahoDhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.
aajurJaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
aakhir1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. ld aakhiritaan.
aakhiritaaneeg aakhir.
aakhiroMeesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
aakhirutahaneeg aakhir.
aakib1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
aal1Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”.
aal2aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow
aalaaInta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.
aalad1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
aalad-kabniin(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
aaladee1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
aaladeyneeg aaladee.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>