Ereyga Maanta: qawadid
baaho1  Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya. baaho2  1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan. baahsan  Wax la baahiyay ahaansho (war).
baahsanaan  eeg baahsan. ld baahsanaansho.
baahsanaansho  ld baahsanaan.
baaji  Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
baajin  eeg baaji. ld baajis.
baajis  ld baajin.
baakad  Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. ld baako.
baako  ld baakad.
baal1  1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya. baal2  Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”. baalal  1. Dad daawanaya cayaarta xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.
baalalley  Xasharaad yaryar oo baalal leh sida badan waqtiga roobka la arko.
baalash1  1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush. baalash2  Kabo luujito marin. ld baalashee. baalashee  ld baalash².
baalasheyn  ld baalashid.
baalashid  eeg baalash². ld baalasheyn.
baalbaal  Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.
baalcad1  Waxaro abab ah. baalcad2  1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas. baalcas  Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baaldacar  Usha dheer ee dhexda kaga taal geedka dacarta.
baaldhiig  Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.
baaldi  1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.
baaldillaacsad  ld baaldillaacsasho.
baaldillaacsasho  eeg baaldillaacso. ld baaldillaacsad, baaldillaacsi.
baaldillaacsi  ld baaldillaacsasho.
baaldillaacso  Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
page : 5 of 108
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>