Ereyga Maanta: qawadid
baabbi'is  ld baabbi'in.
baabbul  1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro.
baabee  Weel caanood deebin.
baabeyn  eeg baabee.
baabila  (baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
baabillooma  (daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
baabsad  ld baabsasho.
baabsasho  eeg baabso. ld baabsad, baabsi.
baabsi  ld baabsasho.
baabso  1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.
baabusiir  ld bawaasiir.
baabuur  Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
baabuurraac  Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
baac  1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
baaci  1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
baacin  eeg baaci.
baacsad  ld baacsasho.
baacsan  Wax baac lagu cabbirey ahaansho.
baacsanaan  eeg baacsan. ld baacsanaansho.
baacsanaansho  ld baacsanaan.
baacsasho  eeg baacso. ld baacsad, baacsi.
baacsi  ld baacsasho.
baacso  Wax cararaya ceyrsasho.
baacug  1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.
baad1  1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah. baad2  1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baad3  Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid. baad4  Hooy ka dhixid (qof ama xoolo). baadari  (dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi.
baaddad  ld baatad.
page : 2 of 108
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>