Ereyga Maanta: dhac

c  (ca’) Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.

caa’ilo  Qoys, qaraabo.

caabaq1  ld caabuq¹.

caabaq2  ld caabuq³.

caabaqid  ld caabuqid.

caabbi1  ld caabbiyid.

caabbi2  1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin.

caabbin1  ld caabbiyid.

caabbin2  Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).

caabbin3  (taar.) Iska caabbin cadow ama
weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.

caabbiri  Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.

caabbis  ld caabbiyid.

caabbiye  (fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.

caabbiyid  eeg caabbi(2). ld caabbi(1), caabbin, caabbis.

caabid1  Caabid ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud(1).

caabid2  Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. ld caabud(2).

caabidid  eeg caabid². ld caabudid.

caabidnimo  Caabid ahaansho. ld caabudnimo.

caabud1  ld caabid¹.

caabud2  ld caabid².

caabudid  ld caabidid.

caabudnimo  ld caabidnimo.

caabuq1  1. Hurgumidda meel dhaawac ah;
fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹.

caabuq2  (daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.

caabuq3  1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.

caabuqid  eeg caabuq³. ld caabaqid.

caabuqtire  (baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi’iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah
gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga
cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.

caac  Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.

caaci  Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.

caacid  eeg caac.


page : 1 of 95
1 2 3 4 5 6 > >>