Ereyga Maanta: hirqad
d  (da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).
da'1  1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. da'2  1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. da'aa  Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.
da'aad  eeg da' (1)
da'fur1  1. Ratigu marka u qooqbaxo. 2. ld da'furid. Ka baabi'idda qooqu ka baaba'o awr. da'fur2  Qooq ka bi'id (awr). da'furid  eeg da'fur². ld da'fur¹ (2).
da'oobid  eeg da'ow.
da'ow  Duq noqosho (qof).
da'weyn  Duq ahaansho (qof).
da'weynaan  eeg da'weyn. ld da'wey-naansho, da'weyni.
da'weynaansho  ld da'weynaan.
da'weyni  ld da'weynaan.
da'yar1  Dhallinyaro. ld da'yaro. da'yar2  Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley). da'yaraan  eeg da'yar². ld da'yaraansho, da'yari, da'yaro.
da'yaraansho  ld da'yaraan.
da'yari  ld da'yaraan.
da'yaro  ld da'yar¹; da'yaraan.
daa  1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.
daa'imi  Fal samayntiisa joogtayn. ld daayimi.
daa'imid  eeg daa'in. ld daayimid.
daa'imin  eeg daa'imi. ld daa'imis, daayimin, daayimis.
daa'imis  ld daa'imin.
daa'imo  Ilmo yar oo aabbihiis dhintay; agoon.
daa'in1  Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa. ld daayin¹. daa'in2  Fal samayntiisa joogtaysasho; ku waarid. ld daayin². daa'iro  Ayaan cidiba mar hesho.
daab1  Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.
page : 1 of 218
1 2 3 4 5 6 > >>