Ereyga Maanta: shugriyid
habacsanaan eeg habacsan. ld habacsanaansho.
habacsanaansho ld habacsanaan.
habaq H. ku dheh: meel isku tuurid (daal iwm dartii).
habaqle 1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
habaqlee Si habaqle ah u socosho.
habaqleyn eeg habaqlee.
habar (1) Haruubka haanta.
habar (2) 1. Naag duq ah. 2. Hooyo. 3. Dubaarad, dubnad.
habar-ari 1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha soomaaliga mid ka mid ah. ld habar-eri.
habar-eri ld habar-ari.
habardugaag Dugaag oo dhan.
habarey-maanyo Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld gabarey-maanyo.
habarjinni Naag jinni ah oo la aaminsanyahay in ay ku nooshahay meelaha biyuhu ku jiraan.
habaroobid eeg habarow². ld habarow¹.
habarow (1) ld habaroobid.
habarow (2) Habar noqosho.
habarticaa 1. Nagaar buruq weyn iyo ubax qurxoon leh. 2. ld habarticay. Shimbir food dheer oo ci'badan.
habarticay ld habarticaa (2).
habarwacad ld habarwacasho.
habarwacasho eeg habarwaco. ld habarwacad.
habarwaco U h.: qof dhibaato haysato ehelo u qayladhaansasho.
habarwadaag Walaalo isku hooyo keliya ah.
habaryar Hooyada walaasheed.
habas Shimbir yar oo midab dambas ah leh oo badanaa dhulka dhabbacda.
habay (1) 1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. ld habyid. ld habayo.
habay (2) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
habayn eeg habee. ld habays.
habayo 1. Weel biyood. 2. ld habay¹.
habays ld habayn.
habaysan (1) Wax la nadaamiyey noqosho.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>