Ereyga Maanta: qawadid
haadun  Dad cayr ah; haawey.
haag  Ka h.: Wax aad uga dhergid.
haagid  eeg haag.
haah  Qurub tilmaama oggolaansho ama wax ku raacid. ld haa, haaheeyo, hahey.
haaheeyarraac  Qof wixii loo sheego rumaysta.
haaheeyo  ld haah.
haahey  ld haa.
haajir1  1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3). haajir2  Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. ld haayir². haajirid  eeg haajir². ld haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
haaka  Mahadnaq; baga! ld haakaalle, haakah, hakah.
haakaalle  ld haaka.
haakah  ld haaka.
haal  Isxilsaar; aabayeel.
haalaati  Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati.
haalbeeg  Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.
haalhayn  eeg haalhee.
haalhee  Wax isu xilsaarid.
haamaan  ld hamaan¹.
haamadday  ld hamaday.
haamanad  Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad.
haami  Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
haamin  eeg haami.
haan1  1. Galowda, rubadda. 2. Weel yar, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. haan2  1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado. haandawaco  Adaahi.
haandhurwaa  1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geeedaha dushooda ka samaysata.
haaneed1  1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami. haaneed2  1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haaneedi  1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed².
page : 2 of 93
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>