Ereyga Maanta: qawadid
jaawqarrerid  eeg jaawqarrer².
jaawqarrir  ld jaaw.
jaaxid  Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
jaay  ld jay.
jab1  1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo. jab2  (daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah. jab3  1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid. jabad  Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.
jaban  1. Wax jab gaarey ahaansho. 2. Wax qiimahoodu hoos u dhacay ahaansho (badeeco).
jabaq1  Shanqar yar. ld yabaq¹. jabaq2  (fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka. jabaq3  Shanqar yar samayn. ld yabaq². jabbu  (muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
jabdhan  Hilib solay ah oo googo'an.
jabhad1  Qof ka mid ah urur u dagaallama xurriyad iyo madaxbannaani jabhad2  1. Weji. 2. Urur u halgama xurriyad iyo madaxbannaani. jabi  ld jebi.
jabid  eeg jab². ld jabniin, jebid.
jabin  ld jebin.
jabis  ld jebin.
jabnaan  eeg jaban. ld jabnaansho.
jabnaansho  ld jabnaan.
jabniin  1. Wax is haystey oo kalajab ku dhecay. 2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay. 3. ld jabid.
jabo  1. Xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan. 2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.
jabqi  1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.
jabqid  ld yabqid.
jabqin  eeg jabqi. ld jabqis.
jabqis  ld jabqin.
jabsaal  Qaruhu marka uu bislaado oo uu cunnimo gaaro; gebis.
jabsad  ld jabsasho.
page : 5 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>