Ereyga Maanta: qawadid
jaahilbixi  Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixin  eeg jaahilbixi.
jaahiliyad  1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo  Jaahil ahaansho.
jaahwareer1  1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareer2  Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jaahwareeri  Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri.
jaahwareerid  eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid.
jaahwareerin  eeg jaahwareeri. ld jahawareerin.
jaahwareersan  Wax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan.
jaahwareersanaan  eeg jaahwareersan. ld jaahwareersanaansho jaha-wareersanaan.
jaahwareersanaansho  ld jaahwareersanaan.
jaajaale  Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaalee  Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajaaleyn  eeg jaajaaleyn.
jaajuur  Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
jaajuus1  ld jaasuus¹. jaajuus2  ld jaasuus². jaajuusid  ld jaasuusid.
jaajuusnimo  ld jaasuusnimo.
jaakad  Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
jaal  1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
jaalabbuud  Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
jaalabutee  Jaalabuto samayn.
jaalabuteyn  eeg jaalabutee.
jaalabuto  1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaalle  1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.
jaallenimo  Jaalle ahaansho.
jaalnimo  Jaal ahaansho.
jaamac  1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
page : 2 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>