Ereyga Maanta: qawadid
jaansaarid  eeg jaansaar².
jaansaarnaan  eeg jaansaaran. ld jaansaarnaansho.
jaansaarnaansho  ld jaansaarnaan.
jaantus  Naqshad ama sawir lagu muujiyo fikrad.
jaantus Argrand  (xis.) (Sallax murakab) Laba addimaale habdhiska kulannada kaartis ee lagu muujiyo tirooyinka murakabka ah. Tirada x + iy waxa lagu muujin karaa barta kulannadeedu yihiin (x, y).
jaar  1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
jaaraan  ld jiiraan.
jaariile  Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
jaariyad  Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
jaarnimo  Jaar ahaansho.
jaarri1  Muran iyo canaad isku jira. jaarri2  Muran iyo canaad isku jira muujin. jaarrin  eeg jaarri².
jaasayn  eeg jaasee.
jaasee  Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
jaaso  Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.
jaasuus1  1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹. jaasuus2  Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus². jaasuusid  eeg jaasuus². ld jaajuusid.
jaasuusnimo  Jaasuus ahaansho. ld jaajuusnimo.
jaaw  Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.
jaaw1  Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir. jaawe  Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
jaawi1  ld jaawe. jaawi2  1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub). jaawin  eeg jaawi². ld farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
jaawis  ld jaawin.
jaawo  1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.
jaawqarrer1  ld jaaw. jaawqarrer2  Cudur raafka gala oo dillaacyo u yeela gaadid (ari).
page : 4 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>