Ereyga Maanta: qawadid
jabsasho  eeg jabso. ld jabsad, jabsi.
jabsi  ld jabsasho.
jabso  1. Adke qayb ka goosasho (ul, caday iwm). 2. Adke wax ku dhex jira ka baxsasho (ukun, qare, laf iwm).
jabti  ld jabto.
jabto1  Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. ld jabti. jabto2  (daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada waxaana keena baktiiriyada loo yaqaan “Neisseria gonorrhoeae” wuxuu ku dhacaa xubnaha cawrada ee ragga iyo dumarkaba. jac  1. Biyo kulul oo danabka ka dhasha oo nafleyda guba marka ay gaaraan. 2. Ceeb aad u weyn. 3. Cudur ariga ku dhaca xilliyada roobka oo jirku yeesho finan iyo dildillaac.
jacayl  Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
jacaysan  Wax jaci ku dhacday ahaansho.
jacaysnaan  eeg jacaysan. ld jacaysnaansho.
jacaysnaansho  ld jacaysnaan.
jacbur  1. Suugaan, gabay iwm oo ula kac loo deelqaafiyey. 2. Waxyaallo aan isku nooc ahayn oo laysku daray.
jacburan  Waxyaabo aan isku nooc ahayn oo isku dhexjira ahaansho. ld jacbursan.
jacburasho  eeg jacburo. ld jac-bursasho, jacbursad, jacbursi.
jacburi  Jacbur samayn.
jacburin  eeg jacburi. ld jacburis.
jacburis  ld jacburin.
jacburnaan  eeg jacburan. ld jac-burnaansho, jacburni, jacbursanaan, jacbursanaa.
jacburnaansho  ld jacburnaan.
jacburni  ld jacburnaan.
jacburo  Wax adag ilko ku burbursasho; qararamso. ld jacburso.
jacbursad  ld jacburasho.
jacbursan  ld jacburan.
jacbursanaan  ld jacburnaan.
jacbursanaansho  ld jacburnaan.
jacbursasho  ld jacburasho.
jacbursi  ld jacburasho.
jacburso  ld jacburo.
jacjac1  Dildillaac yaryar oo maqaarka kore ee dadku yeesho qabow iwm awgood. jacjac2  Dildilaac yaryar yeelasho qabow iwm awgood (maqaar dad).
page : 6 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>