lulan1 Wax la lulay noqosho. lulan2 Wax la lulay ahaansho. lulasho eeg lulo. ld lulad.
lulid eeg lul². ld lulniin.
lullume1 1. Kalluun aad u yaryar oo biyaha macaan ku nool. 2. Cayayaan yaryar oo biyaha macaan ka dhasha; miraxareedeed. ld lullumo. lullume2 (c.nafl.) Heerka caydiga ee raha. Wuxuu leeyahay dabo dheer iyo waafyo. Lulumadu heerka caydiga oo dhan waxay ku nooshahay biyaha. Lugaha dambe ayaa ka hor kora lugaha hore, aakhirkana dabada ayaa ka go'da inta aanu noqon rah qaangaadh ah. lullumee Sida lullumada u dabaalasho.
lullumeyn eeg lullumee.
lullumo ld lullume¹.
lulmid eeg lulan¹.
lulmo Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. ld lulo¹.
lulmoo Lulmo dareemid. ld luloo.
lulmood eeg lulmoo. ld lulood.
lulnaan eeg lulan². ld lulnaansho.
lulnaansho ld lulnaan.
lulniin ld lulid.
lulo1 ld lulmo. lulo2 1. (f.g) Caano iwm si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho. luloo ld lulmoo.
lulood ld lulmood.
luman ld eeg lun¹ (2).
lumee Beer la abuurayo lun u yeelid.
lumeyn eeg lumee. ld lumeys.
lumeys ld lumeyn.
lumi 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
lumid eeg lun².
lumin eeg lumi. ld lumis.
lumis ld lumin.
lumiya (muus.) Meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.
lun1 1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (-uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.
page : 42 of 46
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 >