Ereyga Maanta: dacarbax
luqunjab Qoor xanuun, barkin ka dhac.
luqunjablayn eeg luqunjablee.
luqunjablee Xoolo dhicis weyn soo ridid.
luqunjebi ld luqunjibbaar².
luqunjebin ld luqunjibbaarid.
luqunjebis ld luqunjibbaarid.
luqunjibbaar (1) Legdidda nafley la legdo iyadoo qoorteeda la wareejinaayo.
luqunjibbaar (2) Nafley iyadoo luqunteeda la wareejinaayo legdid. ld luqunjebi.
luqunjibbaarid eeg luqunjibbaar². ld luqunjebin, luqunjebis.
lur (1) Dhibaato, shiddo, luggooyo.
lur (2) Cid dhibid, shiddayn, luggoyn.
luran (1) Wax la luray noqosho.
luran (2) Wax la luray ahaansho.
lurid eeg lur².
lurmid eeg luran¹.
lurnaan eeg luran². ld lurnaansho.
lurnaansho ld lurnaan.
luubaan Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
luubaandakar Xabagta mayddiga.
luud Tabardarro awgeed tartiib u socosho.
luudi (1) Kal yar oo bir ah oo lagu tumo geedaha shaaha lagu darsado iyo bunka.
luudi (2) Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
luudid eeg luud.
luudin eeg luudi². ld luudis.
luudis ld luudin.
luuf ld liif².
luuf (1) 1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. ld liif¹.
luufid ld liifid.
luufluuf (1) Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.
luufluuf (2) 1. Weel iwm dildillaacid. 2. Wax baabi'id.
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>