lugduubid eeg lugduub². ld lugduub¹.
lugee Gaadiid la'aan meel socod ku aadid.
lugey Qof lug la'.
lugeyn eeg lugee. ld lugeys.
lugeys ld lugeyn.
luggeli 1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iwm carqaladayn.
luggelin eeg luggeli. ld luggelis.
luggelis 1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. ld luggelin.
luggo' Meel wax laga doonay ka waayid.
luggo'id eeg luggo'.
luggoo 1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.
luggooyo Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. ld luggoyn.
luggoyn eeg luggoo. ld luggooyo.
lughel La l.: cid socotay raacid.
lughelid eeg lughel. ld lughel.
lugkaliley L. ah: rarada aan masaydeedu ciyiga lahayn.
lugkaliyaale L. ah: geed dhud keliya ah oo aan laamo lahayn.
luglahaan eeg lugleh. ld luglahaansho.
luglahaansho ld luglahaan.
lugleh Ku l.: saamayn ku leh, la xiriira.
lugqaad1 Kor u qaadidda lug kor loo qaado inta la maalayo rida. lugqaad2 La l.: cid socod la billaabid. lugqaadid eeg lugqaad².
lugtool (bot.) Geed dheer oo toos u baxa oo aan laamo ka farcama lahayn.
lugyaro (daaw.) Cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.
luki Digaag.
lukowle Ciyaar hal lug lagu tartamo; hangoole.
lul1 Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo. lul2 1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin. lulad ld lulasho.
page : 41 of 46
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 >