Ereyga Maanta: maneysi
oofsasho  eeg oofso.
oofso  Arrin fushasho.
oofwareen  Cudur qufac iyo xummad leh oo saableyda dadka ku dhaca.
oog1  Iftiinka ugu horreeya ee tilmaama waaberiga. oog2  1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato. oog3  1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin. oogan1  1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay noqosho. oogan2  1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay ahaansho. oogid  eeg oog³.
oogmid  eeg oogan¹.
oognaan  eeg oogan². ld oognaansho.
oognaansho  ld oognaan.
oogo  1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tus. “Buurta oogadeeda”.
oogo-dhul  1. (jool.) Qaybta adag ee qolofta dhulka, taas oo ku kala fidsan gun gaaraysa ilaa iyo 65 Km. (40 mayl) ka hos dhulka dushiisa. 2. (jool.) Qaybta u serraysa dhulka ee ka sarraysa xarriiga moho, garadeeduna waa 8 ilaa 40 km. badanaa waxay ka koobantahay dhadhaabo shiileed.
oohi  Ka o.: cid oohin ka keenid. ld boohi, ooy.
oohin1  eeg oohi. ld boohin. oohin2  Dareen qofka ilmo ka keena. oojiniisis  (baay.) Soo saarista iyo korista ugxanta ee ilmagaleenka xayawaanka gudihiisa.
ookiyaale  Muraayad indhaha la gashado oo araggu ku saacido ama qorraxda laga gashado.
ool1  Degaan; reer meel wada yaal. ool2  1. ld aal 2. Socod, geeddi iwm ka baaqasho. 2. Ka o.: wax helitaankooda ka quusasho. oollaan  ld aallid.
oollaansho  ld aallid.
oollid  ld aallid.
oollimaad  ld aallid.
oollin  Meel muddo badan la degganaa; yaallin.
oollow  ld aal².
oomaar1  1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed. oomaar2  1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho. oomaari  Wax oomaar u yeelid.
page : 6 of 10
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 >