ogowCid, wax ka warhaysa noqosho.
ogsajiin11. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.
ogsajiin2(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
ogsidhayn(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.
ogsidheeyeld ogsidhayn.
ogsijiinld ogsajiin.
ogsoonCid wax ka war haysa ahaansho.
ogsoonaaneeg ogsoon. ld ogsoonaansho (2).
ogsoonaanshoeeg ogsoonow. ld ogsoonaan.
ogsoonowArrin xogteeda wax la socda noqosho.
ohli(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
oholiO. ah: Dhul dhir badan oo aan la mari karin leh.
ohonBadar, beer ka soo go'ay inta loogu talaggalay in la cuno.
ohoomiWax wadid ama hoggaamin.
ohoomineeg ohoomi.
ohowld ahaw.
okholeGaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaaggaaban biyaha looga soo darsado.
okobbanQof wax la faray oggol oo qabashadiisa ku faraxsan ahaansho. ld okobboon.
okobbanaaneeg okobban. ld okobbanaansho, okobboonaan, okobboonaansho.
okobbanaanshold okobbanaan.
okobboonld okobban.
okobboonaanld okobbanaan.
okobboonaanshold okobbanaan.
okorashoeeg okoro.
okoriNafley meel dedan roob ka gelin.
okorineeg okori.
okoroMeel dedan roob ka gelid.
oksiin(baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
oksijiinld ogsijiin.
oktet(kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 > >>