Ereyga Maanta: maneysi
oktoobar  Sanad qorraxeedka bishiisa tobnaad.
ol'ole  Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iwm. ld olole.
ol'olee  Olole samayn. ld ololee.
ol'oleyn  eeg ol'olee. ld ololeyn.
olkee  Hees iwm cod macaan oo dheer ku qaadid.
olkeyn  eeg olkee.
olko  Luuq macaan oo heesaha iwm lagu qaado.
ollog1  1. Daymo, fiiro. 2. Dhowaan. 3. Deris. ollog2  Wax si gaar ah u dayid. ollogid  eeg ollog².
ollogleh  U o.: wax meel u dhow ahaansho.
olmomid  eeg olmon.
olmon  U o.: wax awood u leh in uu ka hortago wax kale noqosho.
olol1  1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo. olol2  1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid. ololayn  eeg ololee. ld ol'olayn.
olole  ld ol'ole.
ololee  ld ol'olee.
ololi  1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.
ololid  eeg olol².
ololin  eeg ololi.
ololsan  Wax ololay ahaansho (dab).
ololsanaan  eeg ololsan. ld ololsanaansho.
ololsanaansho  ld ololsanaan.
omos  Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.
onkod1  Shanqar weyn oo kolkay daruuraha biyaha leh isku dhacaan ka yeerta; gugac. ld unkod. onkod2  Daruuro biyeysan oo isku dhacay shanqarid; gugacid. onkodid  eeg onkod².
onkojiin  (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
onkooloji  (daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.
page : 3 of 10
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>