Ereyga Maanta: qawadid
saamile  Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.
saamiley  Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
saamisuge  1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.
saamixid  eeg saamax².
saamiyid  eeg saami². ld saanyid.
saan  1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
saanac  Qof farsamo yaqaan ah.
saanad  Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.
saanahasho  eeg saanaho.
saanaho  1. Qof balaayo dhaxalsiin. 2. Qof uurka cadaawad ugu hayn.
saancad  ld saancaddaale; saancaddo.
saancaddaale  Qof nasiib xun (tag xun); bacaw. ld saancad (1).
saancadde  1. Qof cago cad. 2. Qumay.
saancaddo  Tagxumo; nasiibdarro. ld saancad (2).
saandambayn  eeg saandambee.
saandambee  1. Tallaabo gaabin. 2. Ka s.: cid lala socday in yar dib uga harid.
saandambeedi  Dib u harid.
saandambeedin  eeg saandambeedi.
saangaman  ld saangan¹.
saangamid  eeg saangan¹.
saangamnaan  ld saangannaan.
saangamnaansho  ld saangamnaan.
saangan1  Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn. saangan2  Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho. saangannaan  eeg saangan². ld saan-gamnaan, saangaamnaansho, saangan-naansho.
saangannaansho  ld saangannaan.
saangur  ld soongur.
saani  Macsilow.
saanifad  ld saniifad.
saanqaad1  1. S. ah: ilmo socod-barad ah. 2. Habka qofku u tallaabsado. 3. ld saaqaadid.
page : 5 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>