sabbata ld sabbato.
sabbatee Cayaar turub hal mar wada helid.
sabbateyn eeg sabbatee.
sabbato Turub la ciyaaro oo qof hal mar wada helo.
sabbayn eeg sabbee. ld sabbays.
sabbays ld sabbayn.
sabbee Biyo, hawo iwm dul heehaabid.
sabbur (1) ld sabar¹, samir¹.
sabbur (2) ld sabar², samir².
sabburid ld sabrid.
sabbuux Sanadka islaamka bishiisa toddoobaad; rajab.
sabci Sacabbo isla dhicid. ld sacbi.
sabcin eeg sabci. ld sabcis, sacbin, sacbis.
sabcis ld sabcin.
sabeen Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. ld subeen.
sabeenxir (1) Raali gelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo. ld subeenxir¹.
sabeenxir (2) Qof lagu sameeyey gef raali gelin. ld subeenxir².
sabeenxirid eeg sabeenxir². ld su-beenxirid.
saben ld saman.
sabid eeg sab².
sabiib Miro canab oo la qallajiyey. ld sibiib.
sabiil Xubinta taranka ee xoolaha dheddig. ld samiil.
sabir 1. Xanuunka iyo dhibaatada oo loo adkaysto; samir. 2. ld sabar¹.
sabo (1) 1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.
sabo (2) (juqr.) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iwm.
sabo (3) 1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iwm agagaarkooda tuurid (xoolo).
sabool (1) S. ah: qof aad u xoolo yar.
sabool (2) Qof sabool noqosho. ld saboolow.
saboolid eeg sabool². ld sabooloobid.
saboolnimo Sabool ahaansho.
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>