Ereyga Maanta: qawadid
saanqaad2  1. Ilmo yar socod billaabid. 2. Cid meel ka tegeysa socod billaabid. 3. Cid meel ay joogtay si ay uga tagto sixir ku samayn. saanqaadid  eeg saanqaad². ld saan-qaad¹ (3).
saanqaaf  Dedka sare ee aqalka. ld saqaf.
saanreeb  1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
saanyasho  eeg saanyo. ld saanyood.
saanyid  ld saamiyid.
saanyo  Hanti saami ku qaybsasho. ld saanyoo.
saanyoo  ld saanyo.
saanyood  ld saanyasho.
saaq1  1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey. saaq2  1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid. saaqan  (fiis.) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
saaqan1  Wax wareersan noqosho. saaqan2  1. Wax wareersan ahaansho. 2. Qof, wax la saaqay ahaansho. ld saaqsan. saaqid saaqid1  1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey. saaqid2  eeg saaq². saaqid3  1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn noqosho. 2. Qof imtaxaan ku dhicid. saaqid birlabdanabeed  (fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
saaqid danab  Saaqid birlabdanabeed.
saaqidad  Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.
saaqidid  eeg saaqid³.
saaqmid  eeg saaqan¹.
saaqnaan  eeg saaqan². ld saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.
saaqnaansho  ld saaqnaan.
saaqniin  (fiis.) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku
saaqo  mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.
saaqsan  ld saaqan².
saaqsanaan  ld saaqnaan.
saaqsanaansho  ld saaqsanaan.
saaquun  1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
page : 6 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>