Ereyga Maanta: hirqad
u1  (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal. u2  u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”. ubad  Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
ubax  Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.
ubaxaysad  ld ubaxaysasho.
ubaxaysi  ld ubaxaysasho.
ubaxayso  Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso.
ubaxdhig  Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ubaxley  Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
ubaxoobid1  eeg ubaxow. ld ubxoobid. ubaxow  Ubax dhalid (geed). ld ubxow.
ubbo  1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.
ubbo-ubax  (bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
ubuc1  Uurkujir. ld oboc. ubuc2  Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada qashinsaarka iyo taranka. ubur  Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur.
uburi  Awr qooqan, ubur afka ka keenid. ld aburi.
uburin  eeg uburi. ld aburin.
ubxaysad  ld ubaxaysasho.
ubxaysasho  ld ubaxaysasho.
ubxaysi  ld ubaxaysasho.
ubxayso  ld ubaxayso.
ubxi  Ubax yeelasho (geed).
ubxin  eeg ubxi. ld ubxis.
ubxis  ld ubxin.
ubxoobid  ld ubaxoobid.
ubxow  ld ubaxow.
udaabtahays  Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays.
udgi  Wax caraf u yeelid. ld udgoonee.
udgid  eeg udug².
page : 1 of 15
1 2 3 4 5 6 > >>