Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
udgin  eeg udgi. ld udgoonayn.
udgoon1  1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug. udgoon2  Wax ur la jecleysto leh ahaansho. udgoonaan  eeg udgoon². ld udgoonaansho.
udgoonaansho  ld udgoonaan.
udgoonayn  ld udgin.
udgoonee  ld udgi.
udgoonsad  ld udgoonsasho.
udgoonsasho  eeg udgoonso. ld udgoonsad.
udgoonso  Udgoon isku shubid.
udo  1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.
udub  1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
udubcad  Qoys markaas aqal galay.
udubdhexaad  Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
udubxoog  Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.
udug1  1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo. udug2  Wax caraf la jeclaysto yeelasho. udullub1  Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso. udullub2  Qof jirro, caro iwm la cagajiidid. udullubi  Nafley jirran si tartiib ah u wadid.
udullubid  eeg udullub².
udullubin  eeg udullubi. ld udullubis.
udullubis  ld udullubin.
uduuf  Gufar; qashin.
uduufaa  1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
uduufo  Wax kasta intiisa liidata.
uf1  Faddare; qurun. uf2  Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo. ufaayow  Cudur raagay.
ufo  Dabaysha roobka ka soo horreysa.
page : 2 of 15
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>