Ereyga Maanta: qawadid
ufoo  1. Ka siqasho; ka yaqyaqsasho. 2. Ka u.: wax ka tanaasulid ama ka fogaansho.
ufood  eeg ufoo.
ufuq  (juqr.) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
ug  Ku u.: wax dab ku qallajin.
ugaabdays  ld udaabtahays.
ugaadhsade  Xayawan u ugaadhasada xayawaannada kale cunto ahaan.
ugaar1  Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iwm. ugaar2  Ugaar dilasho (qof). ld ugaarso. ugaarasho  eeg ugaarso. ld ugaarsasho, ugaarsi.
ugaarayn  eeg ugaaree.
ugaaree  Dabjoob in ay ugaar noqoto gayeysiin.
ugaarid  eeg ugaar².
ugaaro  ld ugaarso.
ugaaroobid  eeg ugaarow.
ugaarow  Ugaar noqosho.
ugaarsad  ld ugaarasho.
ugaarsasho  eeg ugaarso. ld ugaarasho.
ugaarsato  Dad ugaarta ugaarsada.
ugaarsi  ld ugaarasho.
ugaarso  Ugaar doonasho. ld ugaaro.
ugaas  Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.
ugaasee  Qof ugaas (is)ka dhigid.
ugaaseyn  eeg ugaasee.
ugaasnimo  Ugaas ahaansho.
ugan  Weel wax dab lagu qallajiyey ahaansho.
ugar1  1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay. ugar2  Kiish ama boorso harag ka samaysan. ugax1  1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan. ugax2  (ugxanno, m.dh) (baay.) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu. ugaxlay  (c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.
page : 3 of 15
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>