Ereyga Maanta: qawadid
xabad  Laab; gaaddo; shaf.
xabag  1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
xabagbarshe  ld xabag-barsho.
xabagbarshi  ld xabagbarsho.
xabagbarsho  Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
xabagdhiig  Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.
xabash  Addoon; bidde.
xabashi  (xabashi, m.dh) Nin dhalashadiisu amxaaro tahay.
xabawar  Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.
xabawari  Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
xabawarin  eeg xabawari. ld xabawaris.
xabawaris  ld xabawarin.
xabbaar1  Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay. xabbaar2  Xoolo la soo dhacay qaybin. xabbaarid  eeg xabbaar².
xabbad  1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
xabbadayn  eeg xabbadee.
xabbadee  1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.
xabbadqaad  1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
xabbaji  Naasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.
xabbajin  eeg xabbaji. ld xabbajis.
xabbajis  ld xabbajin.
xabbis1  Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi. xabbis2  Qof xabsi gelin. xabbisan  Wax xabsi la geliyey ahaansho.
xabbisid  eeg xabbis².
xabbisnaan  eeg xabbisan. ld xabbis-naansho.
xabbisnaansho  ld xabbisnaan.
xabbururi  ld xabbaji.
xabbururin  ld xabbajin, xabbururis.
page : 6 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>